In ka badan 200 oo Ruux oo lagu dilay duqeymo diyaaradeed

In ka badan 200 oo Ruux oo lagu dilay duqeymo diyaaradeed

Israa’iil ayaa duulaan aad u darran 24 saac ee la soo dhaafay ku qaaday Qasa, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay bambooyin u qeybiyeen guud ahaan marinka Qasa. Mid ka mid ah weerarrada naxdinta leh wuxuu shalay ka dhacay aagga Khan Yonis ee koonfurta Qasa, in ka badan 100 qof ayaa ku geeriyootay 300 oo kalana waa ay ku dhaawacmeen, halka weerar arxan-darrada ah ay maanta diyaaradaha Israa’iil ka geysteen iskuul ay Qaramada Midoobay maamusho oo ay dad rayid ah ku barakaceen, 15 qof ayaa lagu dilay 86 kalana waa lagu dhaawacay, weerar kale oo maanta ka dhacay waqooyiga Qasa, waxaa lagu dilay 16 qof

 , Halka Rafah ay ku dhinteen 6 ruux. Kaliya 24 saac ayay ku qaadatay Israa’iil si arxan darro ah inay u dhisho in ku dhow 200 ruux , ku dhowaad shan boqol oo kalan ay ku dhaawacdo, muuqaallada weerarrada laga soo bandhigeyna ayaa sidoo kale naxdin lahaa , iyadoo la arkayay carruur gubatay oo dhismayaasha laga soo hoos saarayo.

Dhab, ahaantii Israa’iil ayaa hadda ku tiirsan weerarrada cirka, sababtoo ah duulaanka dhulka wuxuu u noqday wax argagax ku beeray, kaddib iska caabin xooggan oo ay kala kulmeen dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.