In ka badan 35 xubnoo oo katirsan Daacish oo lagu dilay howlgal ka dhacay Puntland

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helay howlgal qorsheysan oo ciidamada daraawiishta Puntland ay ka sameyeen inta u dhaxeeysa deegaanada kala ah Miraale iyo Baalade ee gobolka Bari.

Howgalka oo qaatay saacado badan, ayaa lagu dilay in ka badan 35 xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaasi oo la sheegay in ciidamu ay uga daba-tageen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydad u badan ajaanib oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaasi oo lagu dilay goobaha ay  firxadka ku tageen ee u dhaxeeysa Miraale iyo Baalade.

Sidoo kale saraakiisha, ayaa xaqiijiyay in howlgalka ay ku burburiyeen keyd hub ah iyo saanad ciidan oo kooxda Daacish ay laheyd.

Sikastaba, howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xili muddooyinkii u dambeeyey ay ciidamada daraawiishta Puntland, ay  kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published.