MW Xasan Sheekh oo kulamo hordhac ah u ah gogosha la qaatay…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan madaxtooyada Qaranka kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ah horudhac gogol-xaar u ah madasha wadatashiga qaran ee uu Madaxweynaha ku baaqay in la qabto 15-ka Juun 2025.

Madaxweynaha ayaa kulanka ka sheegay in ay lama huraan tahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay kaalin muuqata ka qaataan qaabaynta mustaqbalka dalka, isagoo xusay in doorkooda uu yahay laf-dhabarta dimuqraadiyeynta iyo dowlad-dhiska.

“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan muddada dheer ku raagnay. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed la siiyo fursad buuxda oo ay qeyb uga noqdaan go’aan-qaadashada masiirkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in uu sii wadi doono kulammada uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada si loo dardargeliyo isu diyaarinta gogosha wadatashiga, taasoo uu ku sheegay in ay tahay mid ku dhisan danta guud iyo xoojinta heshiis qaran.

Kulammadan isdaba-joogga ah ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin: hirgelinta hannaanka federaalka, dhammaystirka dastuurka, doorashooyinka, iyo sugidda amniga qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.