In ka badan 60 qof oo ku geeriyooday fatahaadaha ka jira Soomaaliya

In ka badan 60 qof oo ku geeriyooday fatahaadaha ka jira Soomaaliya

Beledwayne (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dad badan oo ku dhintay 24- kii saac ee la soo dhaafay daadadka ku dhuftay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado badan oo gobolka Hiiraan ah ayaa sababay khasaare isugu jira , dhimasho , dhaawac iyo Barakac ay sameeyeen Qoysaskii ugu badnaa.

Wararka Raxanreeb uu ka soo gaaraya magaalada  Beledwayne  ayaa waxay sheegayaa in fatahaad webiga ay sababtay dhimashada 13 ruux oo biyuhu ay siyaabo kala duwan u qaadeen.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay wadaan dadaal xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku samatabixiyaan dadka fataahaduhu ay halakeeyeen ee ku nool Beledwayne.


Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay guud ahaan gobollada dalka ay gaarayaan 50 Ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published.