Iran oo sheegtay in Xuutiyiinta ay sii wadi doonaan beegsiga maraakiibta Badda Cas

Iran oo sheegtay in Xuutiyiinta ay sii wadi doonaan beegsiga maraakiibta Badda Cas

Tehran (Raxanreeb) — Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa digniin culus u diray Mareykanka iyo Ingiriiska weerarada ay ka wadaan dalka Yemen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Xuitiyiinta ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah, Isra’il, maraakiibta u socdaalaya inta uu socdo dagaalka Gaza.

Abdollahian, oo shirjaraa’id si wada jir ah, u qabteen dhiggiisa dalka Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar, ku yiri sida tan, “Booqashadani waa tallaabo muhiim ah, oo lagu horumarinayo iskaashiga kala duwan Iran, iyo India, iyadoo la raacayo danaha labada dal”.

“Kulanka maanta waxa aan isku dhaafsanay aragtiyo ku saabsan arrimaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan dhibaatada Gaza” Wasiirka ayaa intaasi ku daray hadalkiisa.

Amir-Abdollahian, ayaa sidoo carrabka ku adkeeyay in dalka Yemen, ay qeeyb ka tahay waddamada ilaalinaya ammaanka galbeedka qaaradda Aasiya.

Tehran ayaa looga shakisan yahay in ay hub siiso Xuutiyiinta, wuxuuna Maraykanku sheegay in sirdoonka Iran uu muhiim u yahay in ay bartilmaameedsadaan maraakiibta shixnadaha sida.

Dhowaan ayay ahayd markii duqeymi cirka ah, oo ay si wadajir ah, u fuliyeen dalka UK iyo Mareykanka, ayaa lagu beegsaday ku dhowaad 30 goobood oo Xuutiyiinta, ay ku sugnaayeen saacadihii hore ee Jimcihii iyaga oo taageero ka helaya xulafada reer galbeedka oo ay ku jiraan Australia, iyo Canada.

Maalin kaddib, taliska dhexe ee Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in uu fuliyeen weerarkii ugu dambeeyay ee goob raadaarka Xuutiyiinta xarun u ahayd ah, gudaha dalka Yemen, kaas oo loo adeegsaday gantaallada dhulka ee loo yaqaanno Tomahawk.