Baladweyne ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska horimaad dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda, waxaana uu yimid kaddib markii labo askari oo katirsan ciidanka dowladda ee loo yaqaan Ilaalo Qaran, ay haweeney Jaad ku iibineeysay suuqa dawaariishta ay ka dhac u geysteen, taasi oo ay ku soo baxeen ciidamo kale.
Goob jogayaal ayaa sheegay in iska horimaadka uu ku dhintay hal askari halka 5 ruux oo kale oo shacab ah ay ku dhinteen, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka guud ee magaalada.
Weli laamaha amniga iyo maamulka magaalada Baladweyne, kama aysan hadlin iska horimaadkan dhaliyay khasaaraha kala duwan ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Leave a Reply