Israa’iil oo kordhisay duqeymaha Gaza, dhimashada oo dhaaftay 9,770

Israa’iil oo kordhisay duqeymaha Gaza, dhimashada oo dhaaftay 9,770

Gaza (Raxanreeb) — Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay 450 bartilmaameed oo ay laheyd Xamaas, kuwaas oo ku yaalla Gaza, waxaana ciidamada Israa’iil ay sheegeen inay la wareegeen xarun ay ku sugnaayeen Xamaas 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ay sheegtay in duqaymaha cirka ay ku dhinteen tobannaan qof.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan marinka Qaza ayaa ku tilmaamay duqeynta cirka, dhulka iyo badda ee habeen hore middii ugu xoogganeyd tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka ay kaga jawaabayso weerar lama filaan ah oo ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa’iil bil ka hor.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in inka badan 9,770 falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, kaas oo billowday markii Xamaas ay dishay 1,400 oo qof ayna qabsadeen in ka badan 240 laheyste toddobadii bishii hore.

Diidmada xabad joojinta oo ay Israa’iil shuruud uga dhigtay sii deynta dadka u afduuban Xamaas, ayaa wajahday cadaadis joogto ah.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay yihiiin ‘kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tobannaan qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysatay magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee xaafadaha Gaza sida Zawaida iyo Deir Al-Balah.

Reuters.