Jabuuti ” Koox fallaaga ah ayaa naga dishay 7 askari ”

Jabuuti (Raxanreeb ) Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Jabuuti ayaa maanta oo sabti ah soo saartay war ay ku faahfaahinayso weerar shalay oo Jimca ah koox hubaysan ay ku dileen askar ka tirsan Dowladda Jabuuti.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in sidoo kale baadi- goob ay ugu jirto lix askari oo wali lagu la’ yahay weerarka kooxdaas ay ku soo qaadeen xero ciidan oo ku taala Jabuuti sida lagu sheegay maanta warka ka soo baxay Dowladda Jabuuti.

“Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay toddobo ka mid ah askarteenna, afarna waa ku dhaawacmeen ” sidaas waxaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay maanta Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Jabuuti .

Dowladda Jabuuti ayaa weerarkan waxa ay ku eedeysay in ay ka danbeeyeen , kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”.

Waxa ay sheegtay wasaaraddu in ay qaadi doonto talaabo – kasta oo lagaga hortagayo weerarada sidan oo kale ah ee kooxdu ay ka gaysato xeryaha ciidan ee Dowladda Jabuuti ayna bilaabi doonto howlgal ka dhan ah kooxda.

Aqalka Madaxtooyada Jabuuti war qoraal ah oo ay ka soo saartay weerarkan ay ku dhinteen askarta Jabuuti ayaa lagu cambareeyay weerarkan waxaana lagu yiri warkan.

”Dowladdu waxa ay ka qaadi doontaa talaabo kooxdii weerarka fulisay ”.

Kooxda FRUD oo u badan qowmiyadda Canfarta ee Jabuuti ayaa sanadkii 1991-kii dagaal la gashay dowladda Jabuuti. Hase ahaatee mar danbe ayay kala jabtay iyadoo xisbiga FRUD uu qeyb ka yahay isbahaysiga UMP ee haya talada dalka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, halka garabka hubeysan ee FRUD uu wali ku jiro dagaallo hubeysan.

Raxanreeb / VOA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.