Sanaag : Maydka wiil ku dumay god dahabka laga qodo oo la soo saaray

Sanaag : Maydka wiil  ku dumay god dahabka laga qodo oo la soo saaray

Sanaag (Raxanreeb ) Maydka wiil dhallinyara h oo tan iyo Khamiistii ku jiray god dahab laga qodo oo ku yaala gobolka Sanaag ayaa ugu danbeyn la soo saaray galabta mayd wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed Saciid.

Wararka laga helayo deegaanka Milxo ayaa sheegaya in lagu guulaystay dadaal dheer ka dib in banaanka loo soo saaro maydkan wiilkan oo tan iyo khamiistii ay socotay dadaalo lagu soo badbaadinayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in lagu guulaysan waayay in la soo bixiyo banaanka wiilkan dhallinyarada ah isaga oo nool hase ahaatee dadka deegaanka ayaa muujiyay dadaal dheeraad ah.

Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaatay qodida godkaas dumay, si wiilka dhallinyara ah loo soo badbaadiyo.

Ma jiro wax maamul deegaanka ah oo gacan ka gaystay dadaalada lagu doonayay in lagu soo badbaadiyo isaga oo nool wiilkan galabta la soo saaray maydkiisa.
Ma aha markii ugu horreysay ee dhacdan oo kale ay ka dhacdo deegaanka Milxo, waxaana horey sidan oo kale godad ugu dumeen dad lagu qiyaasay ilaa siddeed ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published.