JUBALAND : Ciidanka Itoobiya dalka kama baxayaan.

JUBALAND : Ciidanka Itoobiya dalka kama baxayaan.

Kismaayo (Raxanreeb )- Maamulka Jubaland ayaa walaac amni ka muujiyey in ciidanka Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan yaa sheegay in haddii la saarayo Ciidamada Itoobiya ay u baahan tahay in Wada tashi laga yeesho

“” Waa Xaalad adag arrintaasi tahay “xaalad adag Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh”madaxwayne ku xigeenka jubbaland Maxamuud Sayid Aden.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan in haddii Ciidanka Itoobiya dalka laga saaro taasi fursad siinayso kooxaha Al-shabaab in ay dib u qabsadaan dhulka ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

Waxa kaloo uu xusay Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland in haddii la saarayo Ciidanka Itoobiya ay u baahan tahay in Wada tashi laga yeesho islamarkaana aysan cid gaar ah go’aankeeda ku bixi Karin.

Maalin ka hor sidan oo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa iska diiday war ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya kaas oo ku aadanaa ka bixitaan ciidanka Itoobiya ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.