Kismaayo ( Raxanreeb Online) War-saxaafadeed kasoo baxa madaxtooyada Jubbaland, ayaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, ee ka socda deegaano katirsan maamulka Hir-shabeelle.
Qoraalka ayaa waxaa lagu bogaadiyay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira kooxda argagixisada ee Al-shabaab.
“Jubbaland waxa ay soo dhaweyneysa iskaashiga socda waxa ayna rajeyneysa inuu noqdo mid lagu gaarayo guusha ugu dambeysa ee looga adkaanayo Al-shabaab loogana qabsan doono deegaanada dowlad goboleedka Hir-shabeelle ay kaga sugan yihiin”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.
Hooska Akhriso qoraalka

Leave a Reply