Mareykanka oo digniin kasoo saaray weeraro laga yaabo in Al-shabaab ka fuliyaan Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in debagal ay ku sameeysay xog  sheegeysa in suuragal ay tahay in weeraro ay ka dhacaan meelo badan oo kamid ah Soomaaliya oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in la joojiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ilaa iyo amar dambe.

“ Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ay xasuusineysa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisada ay qorsheynayaan  in ay fuliyaan Afduub, qaraxyo iyo weerar in ay geystaan meelo badan oo Soomaaliya kamid ah”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka.

Qoraalka  kasoo baxay safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada laga yaabo in la fuliyo goobaha dadweynaha isugu yimadaan sida suuqyada, iyo hoteellada,  waxa ayna safaaradda ka digtay in qatarahaas laga feejignaado.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka safaaradda in dowladda Mareykanka ay aad u xadiday awooda ay adeegyo degdeg ah ugu fidin karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya sababo ay ku sheegtay in aysan dal ku laheyn qunsilyad joogta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.