Kalfadhiga wadajirka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo oo Isniinta ah loo balansan yahay in looga hadlo arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadda.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Maalinta berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka furmo kalfadhiga wadajirka ah ee Baarlamaanka 11-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo ay isugu imaanayaan labada Aqal ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.

Kalfadhiga wadajirka ah ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo ku saabsan hannaanka doorashada dalka, xisbiyada siyaasadda, iyo dib u habeynta la xiriirta.

Ajandahan ayaa si hordhac ah loogu qeybiyay labada Aqal si ay xildhibaanada ugu diyaar garoobaan doodaha, soona gudbiyaan wax ka bedelka la doonayo, si buuxdana ay u guda galaan kulanka.

Xildhibaanada iyo Senatarada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay muhiimadda ay leedahay ka soo qeyb galka kalfadhigan muhiimka ah si gacan looga geysto in Soomaaliya ay hesho doorasho toos ah.

Inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Senatarada lagu soo waramayo in ay ku sugan yihiin meel ka baxsan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa haddana hoggaanka baarlamaanka waxaa laga sugayaa in ay hubiyaan in kooramka la buuxinayo ka hor inta uusan furmin fadhiga.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo taageeraya arrimaha mudnaanta leh ayaa dhawaan u codeeyay in muddo bil ah oo ka mid ah fasaxooda labada bilood ah ay wax uga qabtaan howlaha muhiimka ah ee dowladda, kaddib codsi ka yimid madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.