KENYA : Dooni ay saarnaayeen shacab badan oo ku qallibantay Garissa.

KENYA : Dooni ay saarnaayeen shacab badan oo ku qallibantay Garissa.

Garisa (Raxanreeb )- Raxanreeb wararka uu ka helayo gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalidu ay degto ayaa sheegaya in halkaas lagu la’ yahay dad badan oo Soomaaliyeed oo ay la degtay dooni ay saarnayeen ka dib markii ay kala go’een magaalooyinka gobolkaas.

Sida wararka  laga helayo Garissa ay sheegayaan   ugu yaraan 43 qof oo rabay in ay doon uga gudbaan wabiga Tana River la la’yahay raq iyo ruux meel ay  dhigeen waxaana loo badinayaa in  biyaha ay ku dhinteen.

Dadkaan ayaa marki hore kasoo baxay magaalada Nairobi, kuwaas oo  doon ka raacay deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo degaanka Madogo ee gobolka Waqooyiga Bari Kenya.

Goobta doonta ku gaddoontay ayaa waxaa isku darsamay daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ahaa oo maalmahan ka da’ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarrada jabsaday.

Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo maalmahan ka da’ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarada jabsaday, ayaa loo maleynayaa in ay sababtay in doonta ay dadkaan la socdeen ay qarqantay

Ciidamada Booliska ayaa hadda ku sugan goobta, waxaana socda gurmadka iyo howlaha samatabixinta.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in doonta ay dadkan la socdeen loo maleynayo inay gudoontay markii ay isku dayday inay kasoo gudubtay webiga Tana.

Leave a Reply

Your email address will not be published.