Nairobi (Raxanreeb ) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay rabashado sababay dhimasho iyo dhaawac kaas oo ka danbeysay dibadbaxyadii ay dhigeen xubnaha mucaaradka dalka Kenya.
Inta ay socdeen rabashadahan waxa saamayn xooggan ay soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh xaafada Islii kuwaas oo dalbananay in ciidamo dheeraad ah la geeyo xaafadahaas.
Inta la xaqiijiyay 10 ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay halka ay dhaawacmayn boqolaal kale, sida ay xaqiijiyeen goobaha caafimaad iyo laamaha ammaanka Kenya.
Sida laga soo xigtay Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha dadka dhintay qaarkood waxaa toogtay ciidanka amniga kuwaas oo doonayay in ay ka hortagaan dibadbaxyada isku bedelay rabashadaha ee khasaaraha sababay.
Ganacsi badan ayaa la boobay waxa sidoo kale la burburay goobo kale oo muhiim ahaa taas oo keentay cabsida faraha badan ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalkaas ama kuwa kale ee ganacsiga ku leh
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga dalka Kenya oo ka hadlay dhacdadii shalay ayaa cambaareeyay dibadbaxyaasha ka dhacay dalkaas, isaga oo wacad ku maray in dowladdiisa ay soo xirir doonto qaban qaabiyaasha iyo dadka ku bixiyay dhaqaalaha.
Railla Odinga ayaa hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August iyo sidoo kale wax uu ugu yeeray in dowladda ay ku guul-darreysatay inay wax ka qabato qiimaha nolosha ee sare usii kacaya.
Madaxweyne Ruto ayaa bishii tagtay saxiixay sharci canshuurta lagu kordhinayo, kaasi oo la rumeysan yahay inuu dakhli dheeri ah oo gaaraya $2.1 bilyan soo gelin doono dowladda.
Leave a Reply