Ciidamada DF oo howlgallo ka dhan ah, Al-Shabaab ka sameeyay deegaano katirsan Hirshabeelle & Galgaduud

Ciidamada DF oo howlgallo ka dhan ah, Al-Shabaab ka sameeyay deegaano katirsan Hirshabeelle & Galgaduud

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciiidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa maanta howlgallo ka sameeyay inta udhaxeyso degaanka Daaru-nimca  iyo Degmada Galcad oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Intii ay socden howlgaladaan waxa ay ciidanku lakulmeen qaar kamid ah shacabka degan inta udhaxeysa Daarul-nimca iyo Galcad oo hoos yimaada Maamul Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada.

Taliye kuxigeenka ururka 7aad Guutada 16 aad Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Maxmed Xasan Abuukar dhala dheere  ayaa warbaahinta Ciidanka Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu bur byriyay goobo ay joogeyn dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Guud ahaan Gobollada dalka ayaa waxaa ka socda hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ay deegaano ka tirsan Jubbaland ay kala wareegeen Al-Shabaab oo in muddo ah gacanta ku hayeen.