KENYA & Uganda ma doonayaan in ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya.

KENYA & Uganda ma doonayaan in ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya.

Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Kenya, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa qeylo dhaan ka soo saaray dib u eegis lagu sameeyay qorshaha ciidamada AMISOM looga saarayo Soomaaliya.

Labada hogaamiye oo  ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Nairobi. Waxay walaac ka muujiyeen khatarta argagixisada iyo xasillooni darrada gobolka Geeska Afrika, waxayna xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo ammaanka gobolka.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda ayaa xaqiijiyey inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan waxay hoos ka xariiqeen in dowladda Soomaaliya ay ku garab sii doonaan wax kasta oo ay awoodaan.

Sida laga soo xigtay qorshaha bixitaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 4,000 oo askari oo Atmis ah ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 oo ka baxay howlgalkaas, sannadkii hore oo ahaa wejiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciidakaas.

Muddo ka badan 15 sano ah, askarta Afrikaanka ah waxay isku baddalayeen Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah 20,000 oo askari oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay inay dawladda dhexe kala qayb qaataan sugida amnig dalka.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  oo la aas aasay sanadkii 2007-dii ayaa waxaa sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana loo xil saaray la dagaalanka  Al-Shabaab .

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay ku filan tahay sugidda amniga dalka, ciidamada qaranka oo dhisme xoog leh uu ku socdo ayaa dagaal adagna kula jira kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.