Khilaafka saraakiisha hoggaanka howlgalada  oo saameeyay dagaalka AS

Khilaafka saraakiisha hoggaanka howlgalada  oo saameeyay dagaalka AS

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa isaga soo baxay deegaano dhawar ah oo ay ka qabsadeen kooxda Al- Shabaab ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka socdaan howlgalo.

Sababaha dib ugu soo gurashada deegaanada qaar ayaa la sheegay in ay salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ka socda  gobolka Galgaduud .

Sida xogaha ay sheegeen qaabka hoggaanta howlgalada ayaa ah waxa ugu badan ee keenay in sidii loo baahnaa ay u dhacaan howlgalada isla markaana ay kordhaan weeraro ay fulinayeen kooxda Al- Shabaab.

Shakiga  ugu badan ayaa ka dhashay weerarkii Cawswayne halkaas oo ay ku dhinteen ciidan aad u fara badan , waxaana la sheegay in howlgalkaas uu ku dhacay qalad ka yimid dhanka hoggaanka ciidanka.

Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan dalbaday in la sameeyo baaritaan madax banaan maadama uu shaki badan uu ka qabo sida loo maareeyay ciidanka ka qayb qaadanayay howlgalka.

Howlgaladan  ka socda gobolka galgaduud ayaa laga soo sheegayaa in xiligan ay ka taagan tahay Isfahan darro ku aadan habka loo maareynayo iyo cida hoggaanaysa.

Xildhibaan Yaasiin Yaasiin  Faray oo hore u soo noqday Taliyaha  Nabad sugidda NISA ayaa isagana meesha ka saaray jiritaanka khilaafka saraakiisha  hoggaaminaysa  howlgalada waxyar uun ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan in cawswayne ay ku baa’abeen ciidamo ka tirsan Dowladda.

Lama oga talaabada xigta ee Dowladda ay qaadi doonto maadama ay soo shaac baxeen khilaafka saamaynta ku yeeshay howlgalada ee ka socda gobolka  galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.