Khilaafka Wasiir Roobow & Culimada Ahlusunna oo xoogeystay

Khilaafka Wasiir Roobow & Culimada Ahlusunna oo xoogeystay

Waxaa sii xoogeysanaya Khilaafka u dhexeeya Wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo culimada Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana arrinta uga sii daray shirka culimada ee haatan ka socda Muqdisho, kaas oo aysan qayb ka ahay Ahlu Sunna.

Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay iska diideen ka qayb-galka shirweynaha culimada wuxuuna sababta ku sheegay in la dhaqan-geli waayay qodobo kasoo baxay shirkii hore oo ay ka qayb-gashay Ahlu Sunna.

Sidoo kale wuxuu eedeymo culus u jeediyay wasiir Mukhtaar Roobow oo uu sheegay inuu burburiyay guddigii sare ee culimada, sidoo kalena uu abuuray khilaafaad ka taagan qaar kamid ah masaajidda ay maamulaan Ahlu Sunna oo la’isku haysto.

Sheekha ayaa si cad u sheegay in aanay la shaqeyn karin wasiirka hadda jooga ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, wuxuuna ugu baaqay madaxda dalka inay arrintaan soo farogeliyaan si xal loogu helo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.