Koox  hubaysan  oo macallimiin dugsi ku laayay Sh. Dhexe

Koox  hubaysan  oo macallimiin dugsi ku laayay Sh. Dhexe

Jowhar  (Raxanreeb ) Wararka aan  ka   helayno gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya  in koox hubaysan oo ay laayeen xer quraan  akhris kaga yimid deegaano ka mid ah gobolkaas.

Dilkan ayaa  sida wararka ay sheegayaan salka ku haya arrimo ku saabsan aano qabiil , waxaana halkaas ka taagan xiisad ka dhalatay arintan.

Inta  la xaqiijiyay  5  qof ayaa la dilay  kuwaas oo la sheegay in hal meel lagu qaarijiyay taas oo keentay in caro badan ay ka dhalato.

5 qof ee la dilay oo xer ahaa ayaa ku socday tuulada Xaaji Cali, iyagoo ka soo laabtay Quraan akhris.

Mudooyinkan waxa ka taagnaa deegaannada hoostaga degmada Cadale, dagaal qabiil oo lagu dilay dad badan, tuulooyinna lagu gubay.

Dhawr jeer oo shirrar dibu-heshiisiin ah loo qabtay qabaa’ilka deegaanka ku dagaalamaya ayaa guuldarro ku dhammaaday, waxayna dagaalladan si goos goos ah u dhacayeen muddo dhawr sano ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.