Baydhabo (Raxanreeb) — Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada dowladda iyo daraawiishta Koonfur Galbeed ay maanta ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Howlgalkan oo ah mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Saydhelow oo u dhow magaalada Baydhaba.
Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalkaasi, ayada oo ay dowladdu sheegtay inay khasaare culus gaarsiisay Al-Shabaab.
“Hawlgal guulaystay oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen tuulada SAYDHELOW ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began Magaalada Baydhabo ayaa lagu qaarijiyey dhagar qabeyaal ka tirsan kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo watay mooto Fekon ah.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo furteen qoray AK47 ah iyo mootadii ay wateen xubnaha lagu dilay duleedka magaalada Baydhaba.
“Howlgalkaan ayaa lagu dilay laba dhagar qabe oo Khawaarij ah waxaana looga furtay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ku beegsanayaan firxadka Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga dadkeena” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka dowladda.
Baydhaba iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ay ciidamada huwanta, si looga hortego weerarada Al-Shabaab oo go’doomiyay afarta jiho ee magaaladaasi.