Kumaan rayid oo qarka u saaran in ay ku dhintaan marinka GAZA & xamaas hanjabtay

Kumaan rayid oo qarka u saaran in ay ku dhintaan marinka GAZA & xamaas hanjabtay

Gaza (Raxanreeb ) Dad badan ayaa ku dhimanaya kuwo badana waa ay ku dhaawacmayaan , barakaca dadka iyo burburka hantida ayaa sii  dheer dadka Falastiin ee ku nool marinka GAZA halkaas oo duqeymo ay ka sii socdaan.

Waxaa soo baxaya wararka la xiriira walaaca laga qabo sii socoshada baa’ ba ka jira halkaas taas oo keentay in dunida islaamka iyo dalalka kale ay ku baaqaan joojinta dagaalka sii socda.

Af hayeenka wasaaradda caafimaadka marinka GAZA  Ashraf al-Qudra ayaa yiri “ kumanaan isugu jira haween, caruur iyo bukaanno dhaawac ah ayaa halis ugu jira dhimasho” iyadoo duqeymaha Israa’iil ay ku hayaan al-Shifa ay socdaan wali.

Madaxa UNRWA ayaa sheegay in Israel si bareer ah u carqaladeenayso hawlahooda gargaarka.

Isbitaalkan waxaa duqeymo xoogan u gaystay ciidanka Israa’iil taasna waxay keentay in adeegyadii gabi ahaanba ay go’ aan suurtagalna noqon wayday in isbitaalka uu qabto howsha la  xiriirta la tacaalida dadka waxyeeladu ay soo gaartay.


Ugu yaraan 11470 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israail ee QASA tan iyo Oktoobar 7, halka Israa’iil tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalka ay marayso in ka badan 1200.

Leave a Reply

Your email address will not be published.