laamaha amniga oo Gacanta ku dhigay Burcad dhac geysatay

laamaha amniga oo Gacanta ku dhigay Burcad dhac geysatay

Howlgal Wadajir oo iska kaashadeen dadka degaanka iyo Taliska ciidanka Booliska degmada Wanla-weyn waxa ay gacan ku soo dhigeen labo kamid Rag lagu  Eedeeyay dhac ay u geysteen dad shacab ah.

Raggaan la soo qabtay ayaa ku Eedeysan in ay dheceen ku dhawaad 70 Taleefoon gacanta Waxaana la geeyay oo lagu xiray saldhiga booliska degmada Wanla-weyn ee gobolka shabeelada Hoose.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska degmada Wanlaweyna ayaa lagu yiri:.

“Eedeysane Maxamed Macalin Cabdullahi Ina hooyo Aamina  Cabullahi Macalin 22 jir ku dhashey Aw cusmaan degan yahay degaanka Aw cusmaan Waxay soo Xadeen 70 taleefoon asiga iyo ninkan la yiraahdo eedeysanaha kale Aadan Muktaar C/raxman  Ina hooyo Aamina Cusman Guudle 24 jir ku dhashey Walaweyn oo uu degan yahay xafada Baaran”

Ammaanla  degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose  ayaa aad u soo hagaagay tan markii degmadaas uu ka bilowday  Hawlgalada la dagaalanka burcad dadka telefoonada gacanta ka dhacda & kooxaha Isbaarada u dhigtay Gaadiidka

Leave a Reply

Your email address will not be published.