Laftagareen iyo Madaxa howlgalka ATMS oo kawada hadlay arrimo xasaasi ah

Laftagareen iyo Madaxa howlgalka ATMS oo kawada hadlay arrimo xasaasi ah

Baydhabo (Raxanreeb) — Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine.

Laftagareen iyo Danjire Souef, ayaa kulankooda diiradda waxaa lagu saaray Amniga Guud deegannada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee ATMIS.

Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shirka ka dib in madaxda ay ka wada hadleen sidii loo dardargalin lahaa howlaha amniga, iyo sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen ATMIS iyo laamaha amniga Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ku Wehlinayay Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa muddo ku dhowaad hal toddobaad ah waxaan soogalin gaadiidka badeecooyinka kadib markii kooxda Al-shabab ay go’doomiyeen Magaaladaasi sannadkii tagay dabayaaqadii.

Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah, inta badan deegaannadeeda deegaano ay Al-Shabaab, haystaan iyo deegaano badan oo ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab.