Ma guulaysan doonaa wajiga 2aad ee howlgalka AS ?.

Ma guulaysan doonaa wajiga 2aad ee howlgalka AS ?.

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) – Waxaa in muddo ah hakad uu ku yimid howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab kaas oo uu hormuud ka ahaaa Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta howlgalkan uu hakadka ku jiray waxaa la warinayaa in kooxda Al- Shabaab ay dib ula wareegeen deegaano dhawr ah oo hore gacantooda ay ugu baxday .

Cabsi badan ayaa ka jirtay deegaanadii ay ka baxeen ciidanka Dowladda ee ay la wareegeen kooxda Al- Shabaab , inkastoo ay jiraan howlgalo ka socda deegaanada ku dhaw dhaw goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al- Shabaab.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa gaaray degmada Xarardheere halkaas oo ka mid ah deegaanadii laga saaray kooxda walow ay jireen cabsi laga qabay in kooxda soo weerarto.

Siyaabo kala duwan ayaa looga hadlayaa sida suurtagal ay ku tahay in dib u bilowday howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ka dib safarka madaxwyanaha Soomaaliya uu ku tagay Galmudug.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya inuu jiro culays soo wajahay saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee hormuudka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab .

Arintan waxa ay ka danbeysay ka dib markii la sheegay in la dayacay , ciidanka dowladda ee safka hore kaga jiray dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socday mudug iyo Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.