DFS oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah Itoobiya.

DFS oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah  Itoobiya.

Muqdisho (Raxanreeb ) -Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa soo saaray tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee la qaaday, kaddib qaraarkii ka soo baxay shirka golaha wasiirrada oo lagu joojiyay howlgalka diblomaasiyadda ee Itoobiya.

1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72-saac gudahood uu uga ambabaxo Soomaaliya.

  1. In muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.
  2. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa oo dib loogu yeeray Muqdisho, si wadatashiyo dhammeystiran loola yeesho.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay sheegtay in tallaabooyinkan loo qaaday ilaalinta madax bannaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.