Ma maleeshiyaad hubaysan ayaa ku kacsan  maamulka Koonfur Galbeed ?

Ma maleeshiyaad hubaysan ayaa ku kacsan  maamulka Koonfur Galbeed ?

Bardaalle (Raxanreeb )- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka maamulka Koonfur Galbeeda  iyo koox maleeshiyaad  ku dhaxmaray deegaano ka mid ah gobolka Baay.

Sida ay ogaatay Raxanreeb dagaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ,ciidamo maleeshiyo beeleed degmada Bardaale kasoo jeeda ayaa weerar culus ku qaaday fariisimo ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin Bardaale

Goobhjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka uu muddo saacada ah uu halkaas ka socday maamulka Koonfur Galbeedna waxa uu sheegay in la jabiyay kooxdii weerarka soo qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay warbaahinta in xaaladda ay cakiran tahay, ayna maqlayaan hubka ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Bardaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.