Taliye muhiim u ahaa KGS oo lagu dilay weerar ay gaysteen maleeshiyo beeleed.

Taliye muhiim u ahaa KGS oo lagu dilay weerar ay gaysteen maleeshiyo beeleed.

Baydhabo (Raxanreeb )- Ka dib weerar maanta oo Sabti ah ka dhacay degmada  Bardaalle ee gobolka Baay ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo la xiriira dagalkaas.

Dagaalkan oo dhaxmaray maleeshiyo hubaysan oo u abaabal qaab beeleed iyo ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sababay dhimashada , Taliyiii saldhiga degmada Bardaalle ee gobolka Baay.

Dagaalkan oo saaka soo bilowday ayaa waxaa yy u dhaxeeyaa maleeshiyo beeleed deegaanka ah iyo ciidanka Koonfur-Galbeed, waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhawaac leh oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Goobjoogayaal  ayaa u  xaqiijiyay warbaahinta  in dagaalka uu  qarxay kadib markii ay maanta magaalada soo weerareen ciidamo maleeshiyo beeleed ah.

Maamulka koonfur Galbeed wax war ah ma uusan ka soo saarin dagaalka maanta ka dhacay  Bardaale ee uu ku dhintay Taliyihii saldhiga degmada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.