Maamulka Maxaas oo sheegay in xal loo helay dagaal dhexmaray Malleeshiyada Macawisleyda iyo Ciidamada DF

Maamulka Maxaas oo sheegay in xal loo helay dagaal dhexmaray Malleeshiyada Macawisleyda iyo Ciidamada DF

Maxaas (Raxanreeb) — Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la xaliyay isku dhac degmadaas ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macawiisleyda.

Isku dhaca ayaa salkiisu ahaa Nin la qabtay oo ay ka shakiyeen ciidanka Federaalka gaar ahaan kuwa Cali Bin Abii Daalib loogu magac daray balse qaar kamid ah Ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ay is maan-dhaafeen sidaasina uu ku dhacay dagaalka.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane ayaa xaqiijiyay in la xaliyay xiisadda iyo dagaalkii dhexmaray ciidanka Federaalka & kuwa deegaanka ee Macawiisleyda oo sababay khasaara labada dhinac kala gaaray.

Saraakiisha ciidanka Federaalka iyo kuwa Macawiisleyda hoggaaminaya ayaa ku baxay si loo damiyo xiisaddaas iyaga oo ku guuleystay in xal loo helo waxaana ugu dambeyn la faray in si wadajir ah ay ula dagaalamayaan Al-Shabaab