WARBIXIN | Galmudug oo xukun doonayaal ku foorara !!

WARBIXIN | Galmudug oo xukun doonayaal ku foorara !!

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) – Siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada maamul goboleedka Galmudug ayaa wada isbahaysiyo ay ku doonayaan inay ku hajuumaan maamulka Galmudug.

Siyaasiintan ayaa doonaysa in ay ka qayb – galaan doorasho  ay sheegayaan in ay ka qabsoomi doonto magaalooyinka Galmudug.

Inta badan kulamadan ayaa ka soo bilowday magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay ku sugnayeen in muddo ah.

Inkastoo aysan muuqan doorashada maamulka Galmudug iyo kuwo kaleba hadana siyaasiin badan ayaa duudsan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Qoor-qoor.

Shirkii madasha ee u danbeeyay ee ka dhacay magaalada  Muqdisho oo laga sugayay inay ka soo baxaan qodobo cayimaya doorashada ayaa gedi ka tuuraya doorashada Galmudug.

Maalmahan soo aadan ayaa lagu wadaa in siyaasiinta xil doonka ah magaalada Muqdisho ay kaga dhawaaqaan musharaxnimadooda maamul goboleedka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay raali uga tahay maamul goboleedyada daahinta doorashada oo dhankeeda shaki laga qabo in waqtiga ay dheeraysan doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.