Madaale oo ballan qaad u sameeyay ciidan soo qabtay Al-Shabaab

Madaale oo ballan qaad u sameeyay ciidan soo qabtay Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay kulan uga qayb galay degmada Dayniile, ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho.

Madaale ayaa sheegay in looga baahan yahay ciidamada amniga inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah, oo lagu sugayo amniga, si looga hortago dhagarta iyo khataraha kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaale ayaa soo hadal waaday dil ka dhacay degmada Dayniile oo loogu gaystay Nabaddoon Cabdi Xasan, oo kamid ahaa waxgaradka deegaanka, kaas oo weerar toos ah ay kusoo qaadeen kooxda Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

“Ninkii odeyga ahaa ee Nabadoonka ahaa ee Cabdi Xasan waxaa la dilay isaga oo iska difaacaayo cadowgii soo weeraray ayuu dhintay, waxaan ilaahey uga baryeynaa Janatul Firdowso” ayuu yiri gaddoomiye Madaale.

“Nabadoono badan oo saas u dhintay ayaa jiro oo uu kamid ahaa Nabadooon Cilmi Xagare iyo Nabadoono kale” ayuu yiri mar kale.

Duqa Muqdisho oo hadalka sii wata ayaa sheegay in Shabaabkii dilay Nabadoonka qaar ka mid ah, lasoo qabtay isagoona askartii soo qabatay u ballan qaaday Abaal-marin.

“Iyagana kuwii dilay Nabadoon Cabdi Xasan sidoodii kuma laaban waa lala dagaalamay, waxaana gacanta lagu soo dhigay qaarkood, raggii howshaasi qabtay ee ku guuleysatay abaal-marintooda waxa ay ak taallada duqa Muqdisho” ayuu yiri Madaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho amni xumo ka jirto iyadoo dhowaan la weeraray hotelka SYL, ee ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la nastay bilihii ugu danbeeyay aysan wax qarax ah ka dhex dhicin magaalada gudaheeda.