Diyaaradda Egypt Air ee Masar oo dhowaan Muqdisho ka billaabi doonta duulimaadyo

Diyaaradda Egypt Air ee Masar oo dhowaan Muqdisho ka billaabi doonta duulimaadyo

Muqdisho (Raxanreeb) — Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) Axmed Macallin Xasan, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda hay’adda duulista rayidka ee dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

Wafdigan ayaa ujeedka safarkoodu ahaa in dhowaan ay duulimaadyo ka billowdo garoonka Muqdisho, ee Aadan Cadde Airport, shirkadda duulimaadyada Egypt Air ee dalka Masar.

“Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta suurta-galnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaasi oo noqonaya Muqdisho iyo Qaahira” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

“Hadda waxaa socda qorshihii aan ugu gudbi lahayn duulimaadyada bariga dhexe, waxaana dalka uu marti-gelin doona shirkadaha diyaaradaha Yurub oo daneynaya inay duulimaadyo ka billaabaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle” ayuu raaciyay hadalkiisa maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) Axmed Macallin Xasan.

Wafdiga ayaa u kuur galay xafiisyada hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport.

Egypt Air, ayaa ku biiraysa shirkadda duulimaadyada Saudi Airlines, oo sidan oo kale wafdi usoo dirtay Muqdisho toddobaadyo ka hor si ay qiimeyn u sameeyaan labadan duulimaad ayaa la filayaa sannadkan gudahiisa 2024.

Diyaaradan ayaa noqoneysa duulimaadyadii 9-aad oo caalami ah, kuwaasi oo kasoo daga Muqdisho, garoonka Aadan Cabdulle Airport
shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee kala ah, Turkish Airlines, Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Flydubai, Air Djibouti, Uganda Airlines iyo Kenya Airways.

Soomaaliya, iyo Masar, ayaa ah, xilligan saaxiibo rasmi ah, oo isku wanaagsan iyadoo xiriirku diblumaasiyaddu, sarreeyo iyagoo dhowaan heshiis iskaashi wada gaaray, xilli ay aloosantahay xiisadda Soomaaliya, iyo Itoobiya, kaas badda ku saabsan.