Jenin (Raxanreeb) — Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa booqasho ku jooga Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo Israa’iil ay ka fulisay hawlgal ballaaran oo militari todobaadkii hore.
Booqashadiisi ugu horeysay muddo toban sano ka badan, Mr Cabbaas wuxuu ubax dhigay qabuuraha laba iyo toban falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarka.
Waxa uu ballan qaaday in dib loo dhisi doono xerada qaxootiga oo ahayd bartilmaameedka duulaanka Israel.
Xerada ayaa waxaa gacanta ku haya dhowr kooxood oo mintidiin ah, kuwaasoo ahaa bartilmaameedka howlgalka Israel.
Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa cambaareeyay waxa ay u arkeen in maamulka Falastiin uu ku guuldareystay inuu wax tallaabo ah qaado intii uu socday weerarka.