Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo loo diiday in uu tago degaan katirsan Hiiraan & xiisad ka jirta

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo loo diiday in uu tago degaan katirsan Hiiraan & xiisad ka jirta

Wararka naga soo gaaraya degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay in loo diiday in uu tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu arkay dhamaan waddooyinka gala degaanka Tardo, iyaga oo diidan in uu halkaasi tago Madaxweynaha HIR-Shabelle.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu degaankaas u imaanayo in uu xariga ka jaro School dadka deegaanku ay xoolahooda ku dhisteen, taasina ay diidan yahay Ciidamada Macawiisleyda ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Ciidamada Macawiisleyda ay ku hanjabeen in Madaxwyene Cali guudlaawe hadii uu isku dayo in uu yimaado degaanka Tardo ay la dagaalami doonaan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadda ku sugan degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, iyada oo sidoo kale loo diiday in uu tago degmada Maxaas ee isla Gobolkaasi Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.