Madaxweynaha Somaliland oo u amba baxay dalka Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha Somaliland oo u amba baxay dalka Imaaraatka Carabta

Hargeysa (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa u dhoofay waddanka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo la filayo inuu ka ga qayb galo shirka dhaqaalaha cagaaran ee aduunka (World Green Economy Summit).

Shirkan ayaa ka dhici doona xarunta ganacsiga aduunka ee Dubai 1–2 Oktoobar 2025 islamarkaasna ay ka soo qaybgalayaan madax iyo masuuliyiin ka kala socda in ka badan 30 wadan, ganacsato caalami ah iyo maalgashadayaal.

Shirkan ayaa looga hadlayaa muhiimadda maalgashiga cagaaran iyo horumarinta dhaqaalaha waara ee suuqyada caalamka.

Safarkan ayaana noqonaya kii saddexaad ee uu Madaxweyne Ciro ku tago waddankaas tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii December ee sannadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.