Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan ku wajahan Magaalada Baladweyne halkaas oo la dhigayo gogol lagu dhageysanayo tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey oo sheegay in uu fariin ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odoyaasha dhaqanka Hiiraan kahor sheegay in ay u diyaargaroobaan wadahadalkaas si xalka loo raadiyo.
Waxa uu tilmaamay in aanay suuragal noqon Karin in siyaasad ahaan la kala qaybsamo iyada oo la heli karo xal waara oo laga gaari karo tabashooyinka ku taagan reer Hiiraan sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey.
“Farriin aan Madaxweynaha kasoo qaadnay aaya ah in Amniga Dowladda lagu wareejiyo oo gogol la dhigo Baladweyne, wixii jira in laga hadlo oo lagu saxo, Dowladda Federaalka yaan gorgortan la gelin ee amniga halagu wareejiyo, labo jeer Ayaan Madaxweynaha la fadhiisanay” Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey.
Odoyaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno kale oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan waxa ay marar kala duwan soo jeediyeen dhaliil ka dhan ah Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa haatan socda kulamo lagu xalinayo eedahaas.
Leave a Reply