Adis Ababa (Raxanreeb) Madaxwaynaha – maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya masuuliyiinta dalkaas oo uu ka mid yahay Ra’iisulwasaare Abay Ahmed.
Maanta oo Talaada ah ayaa madaxweyne Siciid Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa .
Labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ka wada-hadlaan iskaashiga dhanka Amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u sii gudbaya magaalada Dubai ee waddanka UAE waxaana la filayaa in uu wada-hadallo ku saabsan dhanka mashaariicda horumarineed la yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.
Leave a Reply