Madaxweyne Deni oo booqasho ku jooga Adis Ababa & ujeedka safarkiisa

Madaxweyne Deni oo booqasho ku jooga Adis Ababa & ujeedka safarkiisa

Adis Ababa (Raxanreeb) Madaxwaynaha – maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya masuuliyiinta dalkaas oo uu ka mid yahay Ra’iisulwasaare Abay Ahmed.

Maanta oo  Talaada ah ayaa  madaxweyne Siciid Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso isaga oo  ku sii jeeda magaalada Addis Ababa .

Labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ka wada-hadlaan iskaashiga dhanka Amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u sii gudbaya magaalada Dubai ee waddanka UAE  waxaana la filayaa in uu wada-hadallo ku saabsan dhanka mashaariicda horumarineed la yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.