Garowe (Raxanreeb) — Madaxweynaha Puntland mudane Saciid Cabdullahi Deni, ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland, ee doorashooyinka bulshada iyo mucaaradka eedaha ay usoo jeedinayaan iyo sida isaga ay uga goa’antahay doorashooyinka inay dhacaan.
Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in muddo dheer uu u xusulduubayay sidii ay ku dhici lahayd doorashooyinka maamulkaasi, si looga baaqsado caqabadaha adag ee hortaagan Puntland, taasoo socotay muddo dheer.
Sidoo kale Deni, ayaa sheegay in haddii ay dhici weeydo doorasho dadweeyne ay caqabad adag ka dhalan karto in xitaa bulshada ay kalsooni baxaan islamarkaana ay adkaan karto kalsoonida bulshada in mar kale lasoo kabo Deni ayaa sheegay inay diiradda uu saarayo inay dhacdo doorasho.
“Haddii aanay maanta dhicin Doorasho Dadweyne waxa aan aaminsanahay in ay adkaan doonta in mar labaad in kalsoonida Bulshada lasoo kabo, Waajibkeenu waxa uu yahay in aan fulino, karaankeena dhan isugu geyno, lana shaakano cid weliba oo gacan naga siin karta, alle ayaan ka rajeyneynaa in uu hadafkaas weyn uu fulo” deni ayaa yiri hadalkan.
Sidoo kale madaxdeyne Deni ayaa meesha ka saaray eedaha adag ee Mucaaradka taasoo ah, in Deni, uu doonayo muddo kororsi uuna kusoo joogo korsiga taasoo ay walaac adag ka muujiyeen Deni.
Ugu danbeeyntii madaxweyne Deni, ayaa hadalkiisan ku sheegay wareeysi uu siiyay Hanoolaato, isagoona uga warramay dhammaan muranka ka taagan maamulka Puntland, iyo doorashooyinka arrimaha mucaaradka iyo isaga isku haayaan.