Madaxweyne Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay Sanad guurada 8-aad ee Maamulka Hirshabelle iyadoo weli laga diidanyahay baladweyne.

Jowhar (Raxanreeb online) – Cali C/llaahi Xuseen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa khudbad uu ka jeediyay xuska sanad guurada 8-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Maamulka Hirshabelle, wuxuu ku nuux nuuxsaday waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu maamulkiisa diirada saarayo, sida amniga, cadaalada, daryeelka bulshada, baahinta maamulka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa ku bogaadiyay aasaasayaasha dowlad goboleedka Hirshabelle, isagoo ku ammaanay sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabadaha jira iyo sidii loo gaari lahaa horumarka muuqda ee hadda jira. Waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay dadaalkooda ku bixiyaan dhismaha maamulkaasi in kasta oo ay caqabado jiraan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladdiisu ay xoogga saartay saddex arrimood oo xasaasi ah oo kala ah Amniga, Cadaaladda, iyo Arrimaha Bulshada. Waxa uu si gaar ah u soo hadal qaaday howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo xusay in deegaano dhowr ah laga saaray. “Waxaan diiradda saarnay amniga, cadaaladda, arrimaha bulshada, maamul daadejinta, iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale ka hadlay mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee socda ee looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo xakameynta fatahaadaha iyo dhisidda barkadaha biyaha. Mashaariicdan ayuu xusay in ay yihiin kuwo lagama maarmaan u ah sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara fatahaadda webiga Shabeelle oo taariikh ahaan dhibaato baahsan u geystay gobolka.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay maamulkaasi horumarinta amniga iyo dowladnimada Hir-Shabeelle, isla markaana kor loogu qaadi doono hab-nololeedka bulshada iyadoo la adeegsanayo mashaariic horumarineed oo dhaqaale iyo mid bulsho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.