Malawi (Raxanreeb) — Saulos Klaus Chilima, Madaxweyne ku xigeenka Malawi ayaa xabsiga la geeyay kaddib markii lasoo gabagabeeyay baaris ku saabsan eedeyn loo jeediyay oo ah in uu musuq-maasuq uu sameeyay sida uu sheegay xafiiska la dagaalanka Musuqa ee waddankaas.
Madaxweyne ku xigeenka Malawi ayaa muddooyinkii dambe aad loo hadal hayay in uu wax is dabamarin sameeyay isaga oo adeegsanaya awoodda Dowladda, waxaana lagu dhaqaaqay baaris ugu dambeyn sababtay in xabsiga loo taxaabo.
Hay’adda la dagaalanka Musuq-maasuqa ee Malawi ayaa sheegtay in ay ku raad-joogto shakhsiyaad kale oo katirsan Dowladda oo loo heysto in ay ku dhaqaaqeen wax is dabamarin hanti dadweyne.
Madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Klaus Chilima ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in Shirkadaha Xaviar Limited & FZE uu siiyay abaalmarino caawimaad, labada shirkad waxaa ay xiriir la leeyihiin Ganacsade Ingiriis ah oo lagu magacaabo Zuneth Sattar.
Raad-raaca kiiska Musuqa waxa uu soo shaacbaxay Janaayo 2022 kaddib markii Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera uu kala diray Xukuumadda maadaama Golaha Wasiirada lagu eedeeyay Musuq-maasuq.
Leave a Reply