Qaahira ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, halkaasoo uu ku qaabilay dhiggiisa Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa wada hadaladooda diiradda ku saaraya xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo wadajir shir jaraa’id u qabanaya.
Ilo ku dhow Villa Somalia, ayaa inoo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Masar kala hadli doono sidii loogu taageeri lahaa Sacuudiga inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinaca militeriga, uuna buuxiyo booskii uu baneeyay Imaaraatka Carabta, sannadkii hore.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply