Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu ku dhawaaqo gogol wadatashi oo…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka dhow Villa Somalia, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in uu ku dhawaaqo Gogol wadatashi oo u dhaxeeya Mucaaradka iyo Dowladda federaalka.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in madaxweynaha uu shaacin doonaa goobta Gogosha lagu qaban doono, cida ka qeyb gelysa iyo qodobada looga hadli doono.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu doonayo in Gogosha noqoto mid ballaaran oo dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kasoo wada qeyb galaan oo aan laga dhigin mid kaliya ku kooban Mucaarad dowladda. waxaa sidoo kale la tilmaamay in madaxweynahu shaacin doono Ajandayaasha, isla markaana aan lagu koobi doono hal ay noqon doonaan kuwo furan oo waxkasta looga hadli karo.

Geesta kale xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaan la ogeyn in ay aqbali doonin sida uu wax u wado madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnaha mucaaradka ayaa la tilmaamay in ay rabaan in Shirku kaligood ku koobnaado oo aan cid kale la casuumin, lamana oga sida xaaladu isku qaban doono iyo waqtiga rasmiga uu dhici doono shirka ay wado madaxtooyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.