Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya golaha Mustaqbalka

Muqdisho (Raxanreeb Online( Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filaya inuu kulan la qaato golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo golaha samatabixinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnahan ku booqan doonaa xarunta Xalane oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland iyo xubno kale oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka, halkaas oo ka dhici doono kulanka labada dhinac.

Kulankan ayaa noqoya midkii ugu horeeyay ee ay yeshaan madaxweyne Xasan iyo golaha Mustaqbalka, balse lama oga waxaa ka soo bixi doona kulanka maanta oo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo caqabadaha hortaagan qabsoomidiisa.

Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, waxay weli isku fahmi la’ yihiin goobta uu ka dhacayo shirka, waxaana Golaha Mustaqbalka la sheegay in ay doonayaan in uu ka dhaco gudaha xarunta Xalane, halka Dowladda Federaalka ay rabto in shirkaasi uu ka dhaco xarunta madaxtooyada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.