Madaxweyne Xasan Sheekh oo si layaab leh ugu jawaabay Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si layaab leh ugu jawaabay Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sicad u beeniyay inay jiraan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada dalka oo kamid ahaa Goobihii laga saaray Al-Shabaab oo Ciidamada ka baxeen, hayeeshee ay dib ula wareegeen Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha hadii la arko qof wax ka qaldameen uu yahay qof wax qabtay, isla markaana uu ka wanaagsan yahay midka an wax qabanin, lana taageero Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa uu intaasi kudaray in dagaal markasta uu yahay guul ama guuldaro, hayeeshee aysan macquul aheyn in la xaqiro Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee dagaalka kula jira Kooxda Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda mid jawaab u ah war dhawaan kasoo yeeray Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo sheegay in degaannadii iyo degmooyinka ay ku dhinteen saraakiisha iyo Ciidamada ay dib ula wareegeen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.