Muqdisho (Raxanreeb) — Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursi ka mid ah Baarlamaanka Federaalka, si loo soo buuxiyo booskaasi.
Kursiga jadawalkiisa la shaaciyay ayaa ah Hop147, waxaana horay ugu fadhiyay Mahad Salaad oo loo magacaabay agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, sidaasina uu ku waayay xubinnimadiisii Baarlamaanka oo uu muddo ka soo tirsanaa,
Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in maantaba la guda-galayo diyaar garowga doorashada kursigan oo ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in kowda bisha soo socota ee February la qabanayo doorashada kursigan oo ah mid aad isha loogu hayo.
Habraaca kuraastan loo mari doono ayaa sidoo kale ah midkii ay horay u dajiyeen xubnaha guddiyada SEIT ee doorashooyinka ka qabtay dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale guddiga ayaa farriin u diray ka qayb-galayaasha tartanka, isaga ku wargelinayay inay diyaar garoobaan, iskana xaadiraan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursigan ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu kusoo baxo nin lagu magacaabo Sheekh Axmed, kaas oo kalsooni badan ka heysta beesha.
Guddiga ayaa sidoo kale qaban doono doorashada kuraasta kale ee bannaan, waxaana kamid ah kursiga Fahad Yaasiin oo isagana deegaan doorashadiisa ay tahay Beledweyne.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa sannadkii hore ka dhacday doorashooyin ay hareeyeen murano baahsan, taasi oo keentay in kuraasta qaar laga keeno doodo xooggan.