Laascanood ( Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool maanta oo sabti , waxaa ka furmay shirka aaya – ka tashiga dadka dega gobollada Sool Sanaag & Cayn.
Shirkan oo qaban – qaabadiisa ay socotay maalmo badan waxaa ka qayb galaya waxgaradka , isimada iyo aqoonyahanada deegaanada gobolladaas kuwaas oo shirka ka soo saari doono go’ aanno xal u ah masiirka dadka deegaanadaas ku nool.
Qabsoomida shirkan ayaa ka dhashay kacdoon dadka ay ku doonayeen in ay isaga dulqaadaan dhibaatooyin muddo soo jiitamayay oo Somaliland ay ka gaysanaysay SSC.
Bilowgii Kacdoonka waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo Ciidamada Somaliland gaarsiiyeen Rayidka aan hubaysnayn.
Xukuumadda Somaliland weli kama quusan rajadiisa inuu Laascaanood maamulo laakiin wuxuu, sida ay xeeldheerayaal milatari aamminsan yihiin, “in Hargeysa ay daawanayso loollanka siyaasadeed ee ka socda Laascaanood.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyadu si taxadar leh ula socota shirkan, waxaana la filayaa iney taageerto war-murtiyeedka lagu wado in shirka laga soo saaro.
10-kii sano ee u dambeysay waa markii koowaad ee ay shirkan oo kale iskugu yimaadaan Isimadan oo mideysan.
Leave a Reply