Maraakiib Shisheeye oo xaaluf ka wada Xeebaha Puntland iyo DFS oo…

Maraakiib Shisheeye oo xaaluf ka wada Xeebaha Puntland iyo DFS oo…

Kalluumeysatada iyo ganacsatada ka shaqeeya adeegga kalluunka ama mallayga ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa ka walaacsan, kalluun yari maalmahan ka jirtay xeebaha gobolka Bari.

Kalluumeysata ayaa arrintan ku macneeyay, xaalufin ay kalluumeysato ajnabi ah ka wadaan xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya, kuwaas oo bilihii la soo dhaafay sii kordhayay.

Mid kamid ah Dadka ka Ganacsiada kalluunka ama Mallaayga ee Gobolka Bari ayaa sheegay in kalluunyarida jirta ay sabab ay tahay naraakiibta shisheeye oo xaalufiyay Kalluunka ayna jiraan dhibaatooyinka kale ee heysta dadka ka Ganacsada Mallaayga.

Tan iyo burburkii dalka ayaa waxaa Xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah kusoo galayay Maraakiib iyo Doomo Shisheeye, kuwaas oo si sharci darro ah u xaalufinaya Kheyraadka dalkeenna, isla markaana aysan jirin dowlad si dhab ah ula xisaabtanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.