Mareykanka oo sheegay inay taageero siineyo Israa’iil

Mareykanka oo sheegay inay taageero siineyo Israa’iil

New York (Raxanreeb)  Xoghayaa difaaca dowladda Mareykanka Lloyd Austin ayaa shaaca kaqaaday in maraakiibta dagaalka uu  udiray Mediterranean kuwaas oo isugu jiro Maraakiibta wax duqeysa iyo kuwa qaada gantaalada wax burburiya sida uu sheegagy xoghaya difaaca dowladda Mareykanka.

Sidoo kale, Austin ayaa waxa uu shaaca kaqaaday in tani ey muujineyso taageerida birta ah ee uu Mareykanka siinaayo ciidamada Israa’iil.

Dhanka kale, agabyo dheeri ah oo ay kamid yihiin saanad ciidan ayaa loo dirayaa Israa’iil iyadoo agabkan uu gaari doono maalmaha soo socdo.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa shaaca kaqaaday in 413 ey kubaqtiyeen halka ay kudhaawacmeen 2,300 kadib duqeymo aargoosi ah oo kayimid Israa’iil.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee lasameeyay ayaa sheegaya in tirada baqtiga uu marayo 600 oo qofood iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya in intaasi kabadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.