New York (Raxanreeb) – Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay kana tirsan Aqalka Koongareesa dalka Marekanka Ilhaam Cumar ayaa si kulul u cambaareysay weerarka kooxda Xamaas Sabtidii ku qaaday dhulka xooga ku heesato Israel.
Sidoo kale, Ilhan Cumar ayaa qoraal ay soo saartay weerarka Xamaas ku tilmaamtay wax laga argagaxo, iyada ku eedeysay Xamaas in ay laayeen dadka aan hubeysneyn, sidoo kale afduub u geesteen dad shacab ah iyo askar.
Dhanka kale, Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa ugu baaqday Xamaas iyo Israel in ay dejiyaan xaaladda kana shaqeeyaan xabad-joojin, waxa ayna shaacisay in ay sii wadi doonto deadaalada ay nabadda ugu raadineyso bariga dhaxe.
Hadalka Ilhan Cumar kasoo saartay dagaalka Xamaas iyo Israel ayaa u muuqda mid dhinac u janjeera, waxaana xildhibaanadan horey loogu eedeeyay in ay neceb tahay Israel ayna u jan jeerto dhinaca Falastiin.
Leave a Reply